Home » Maxaa Cusub » Top 10: Tobankii Dhacdo Ee Ugu Xanuunka Badnaa Ebid Koobka Aduunka + Sawiro

Top 10: Tobankii Dhacdo Ee Ugu Xanuunka Badnaa Ebid Koobka Aduunka + Sawiro


Zidane_vs_Materazzi-d5a81

Marwalbo koobka aduunka waxaa looga bartay ina kasoo burqadaan geesiyaal magacooda mudo dheer la sheeg sheego iyo shaqsiyaad fal ay sameeyeen magacooda ka harin sidaa darteed taariikhda koobka aduunka ninba si ayay kusoo bartay xidigaha qaar markii laga sheekeynaayo waxyaabihii ay koobka aduunka kusoo kordhiyeen aadbay ugu farxaan halka qaar kalena markii ay shaashada arkaan falkii ay sameeyeen midkii xumaa oo lagu soo cel celinaayo aadbay u niyad jabaan.

Sidaa darteed waxaan idiin heynaa 10-qalad oo aan marnaba taariikhda koobka aduunka ka harin iyo xidigahii nasiibka xumaa ee uu falkaas ka dhacay:

10. Rob Green (England):

2010 goolhayaha waxaa ka fakaday kubad uu soo laaday Clint Dempsey oo ka tirsanaa xulka USA waa qalad aan marnaba iloobi karin!

9. Mwepu Ilunga (Zaire):

1974 xidigan kubad laad xor ah oo Brazil loo dhigay ayuu si ula kac u darbeeyay ka hor inta uusan garsooraha seeriga yeerinin waxaa la siiyay calaamada hurdiga ah dabcan waxaa loo qaatay in xidigan uusan sharciga aqoonin waans fal marwalbo lasoo qaato!

8. Charles Corver (Holland):

Waa garsoorihii ku fashilmay inuu calaamada casaasnka ah siiyo goolhaye Harald Schumacher oo Jarmalka ka tirsanaa kaasi oo si ula kac ah haraanti ugu dhuftay xidigii reer France Patrick Battiston sanadii 1986 wuxuuna falkan sababay in Patrick Battiston uu Koomo galo sidoo kalena sedex ka mid ah ilkihiisa waayo!

7. Zinedine Zidane (France):

Zidane_vs_Materazzi-d5a81

2006 waa habeenkii Zidane is iloobay sidoo kalena uu madaxa ku hirtiyay Marco Materazzi waana fal marwalbo taariikhda koobka aduunka lagu soo qaato.

6. Graham Poll (England):

2006 waa habeenkii garsooraha reer England uu wareeray waayo daafacii Croatia Josip Simunic ayuu labo jaale siiyay hadana cayaarta ayuu dhameestay kulan ay la cayaaree Australia!

5. Rene Higuita (Colombia):

1990 wuxuu sameeyay qalad aan la cafin karin madaama uu isku dayay inuu u gambiyo halyeegii reer Cameroon Roger Milla isaga ayaa kubada laga qaatay kadibna laga dhaliyay waxaana Colombia looga badiyay 2-1 wareega 16-aad.

4. Roberto Baggio (Italy):

1994 halyeegan rigooradii uu cunay kuma qaldamin balse waxaa lagu dhaliilay qaabkii uu kubada u laaday madaama uu hawada sare u diray kubada tolow Baggio markii uu arko kusoo celinta qaladkii ka dhacay sidii u noqdaa madaama xulkiisa laga qaaday habeenkaas koobka aduunka!

3. Moacir Barbosa (Brazil):

1950 marnaba lama fileyn in Brazil gurigooda koobka aduunka looga qaado weliba ayadoo Final soo gaartay waxaana habeenkaas usoo daawasho tageen garoonka Maracana 200,000 oo taageero ah balse nasiib daro goolhaye Moacir Barbosa ayaa galay qalad aan la cafin karin madaama laga dhaliyay kubad uu qalad weyn ku lahaa.

Barbosa oo geeriyooday sanadii 2000 wuxuu hada ka hor yiri “xabisga ugu dheer ee dalka Brazil la isku xumo waa 30-sano balse qaladkii aan aniga galay 50-sano oo ciqaab ah ayaan u maray madaama reer Brazil naceeb buuxdo ay ii qaadeen!!”

2. Ali Bin Nasser (Tunisia):

1986 dabcan qaladkii uu galay isaga xitaa maalin walbo wuu dhibsadaa garsoorahan madaama uu gool ka dhigay kubadii Diego Maradona uu gacanta kaga dhaliyay xulka England sanadii 1986 wareega 8-aad weliba England habeenkaas 2-1 ayaa looga badiyay!

1. Andres Escobar (Colombia):

1994 ma jirto dhacdo ka xanuun badan waayo Andres Escobar naftiisa ayuu ku waayay! daafacan kubad gooshiisa lagu soo laaday ayuu iska dhaliyay sanadii 1994 taasina waxay sababtay in Colombia cayaartaan 2-1 xulka USA ay guuldaro kala kulmaan.

10-maalmood kadib markii Colombia ay koobka aduunka ka hareen Andres Escobar waxaa lagu toogtay bartamaha magaalada Medellin falkan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen burcada reer Colombia ee daroogada ka gacasadaan waxaya sheegeen in ciqaabtiisa ay marsiiyeen Esobar!!

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close