Home » Maxaa Cusub » Top 10: Tobanka Kooxood Ee Qarashka Ugu Badan Ka Helay Suuqa Kala Iibsiga Xiligaan

Top 10: Tobanka Kooxood Ee Qarashka Ugu Badan Ka Helay Suuqa Kala Iibsiga Xiligaan


Teams

Xili uu soo xirmay suuqii kala iibsiga qaarada yurub ayaa la shaaciyay tiro kooxo ah kuwaas oo iska iibiyay xidigo isla markaana badalkeeda helay maaliyad (Lacag) fara badan liiska kooxahaan waxaa ku jira kooxda Shakhtar Donetsk oo badi iibisay muuqaalkii ugu wanaagsanaa xidigaheda iyo sidoo kale kooxda Santos.

10: Shakhtar Donestk (£59.5 Million Ayey Ka Heshay Suuqa)

Kooxdaan reer Ukraine ee Shakhtar ayaa sameysay wax weyn markii ay ku indha adeegtay iney iska iibiso Fernandinho oo ka mid ahaa wiilashii muhiimka u ahaa kaa iibiso kooxda Manchester City iyadoo sidoo kale iska iibisay wiilkoodii Henrikh Mkhitaryan kaas oo ku biiray kooxda Borussia Dortmund.

9. Santos (£62 Million Ayey Ka Heshay Suuqa)

Kooxdaan reer Brazil ayaa sameysay wax ka badalan wixii hore markii ay iska iibiyeen hogaamiyahodii Neymar JR kaas oo Barcelona ku biray waxeyna ka heleen Aduun dhan  £50 Million, sidoo kale Santos ayaa iska iibisay goalhaye Rafael oo ay ka iibisay kooxda Napoli aduun dhan  £4.5 Million, waxaana intaas usii raaca iney Lazio ka ibiyeen daafacooda Felipe Anderson kana bixiyeen £7.5 Million, Santos ayaana sanadkaan heshay dhaqaale fiican.

8. Napoli (£62 Million Ayey Ka Heshay Suuqa)

Kooxda Napoli ayaa soo gashay liiskaan sanadkaan maadama ay suuqa ka heshay lacagtii ugu badneyd ee ebid looga iibsado xidig waxaana kooxdaan ay Paris Saint Germain kaga iibisay Edinson Cavani £56 Million taas ayaana sabab u ah iney liiska soo gasho xiligaan.

7. Porto (£65.5 Million Ayey Ka Heshay Suuqa)

Kooxda reer Portugal ayaa sanadkaan iska iibisay afar ciyaariyahan oo muhiim ah, Joao Moutinho iyo James Rodriguez ayey ka iibisay Monacco aduun dhan £59 Million, waxaana intaas usii raaca Astu oo ay ka iibiyeen Chelsea iyo Juan Quintero oo ay isna iska iibiyeen kooxda.

6. Atletico Madrid (£68.5 Million Ayey Ka Heshay Suuqa)

Kooxdaan ayaa xiligaan iska iibisay weeraryahankeedii reer Colombia ee Radamel Falcoa kaas oo ku biiray naadiga Monacco, sidoo kale kooxda ayaa keensatay David Villa inkastoo sidoo kale ay Demichiels ka iibiyeen Man City halka Martinez ay ka iibiyeen Everton.

5. Sevilla (£79.5 Million Ayey Ka Heshay Suuqa)

Kooxda Sevilla ayaa markaan iska iibisay tiradii ugu badneyd kadib markii ay iska iibiyeen ilaa 5-xidig kuwaas oo ay iibsadeen kooxo kala duwan Man City ayaa iibsatay Negredo iyo Navas waxeyna wadarta labadaas xidig noqotay £39 Million, waxey sidoo kale Kondogbia ka iibisa Monaco, halka  Medel xidiga la yiraahdo ay ka iibisay Cardiff City waxaana intaas usii dheer in Luis ALberto ay ka iibisay Liverpool.

4. Roma (£92.5 Million Ayey Ka Heshay Suuqa)

Kooxda Roma ayaa sanadkaan iska iibisay wiilal badan oo da’yar waxeyna ka bilowday da’yarka reer Brazil ee Marquinho kaas oo PSG ku biiray waxey sidoo kale iibisay Pablo Osvaldo iyo Erik Lamela guud ahaan wadarta xidigaan ayaana noqotay £92.5 Million.

3. Real Madrid (£100 Million Ayey Ka Heshay Suuqa)

Kooxda Madrid ayaa sanadkaan soo xero gelisay Bale oo ay kusoo iibsatay lacag aad u fara badan balse badalkeeda waxey suuqa ka heshay lacag aad u badan iibinta Higuain iyo Ozil ayaa ka dhigtay mid usoo xareysa Boqol Milyan waxaana labadaan ay isaga iibiyeen £77 Million, sidoo kale Albiol iyo Callejon ayey Napoli ka iibiyeen halka Kaka ay xor kusiiyeen kooxda Milan.

2. Tottenham Hotspur (£110m Ayey Ka Heshay Suuqa)

Kooxda London ka dhisan ayaa iska iibisay Bale oo ay lacago fara badan ku iibsatay kooxda Madrid sidoo kale Spurs ayaa iska iibisay Steven Caulker, Jake Livermore iyo Huddlestone inkastoo qudhooda ay keensadeen ciyaartoy qaali ah.

1. Anzhi Makhachkala (£120m Ayey Ka Heshay Suuqa)

Kooxda reer Russia ayaa markaan iska dirtay xidigo badan maadama ay dhaqaalo xumo lasoo daristay waxeyna iska iibiyeen Diara iyo Willian halka Eto’o uu si xor ah ugu biiray Chelsea.

Lassana Diarra ayaa ku biiray Lokomotiv Moscow halka sidoo kale Chris Samba ay ka iibiyeen Dinamo Kiev.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close