Manchester United ayaa xiiseyneysay kubad sameeyaha Bayern Munich iyo Xulka Jarmalka Toni Kroos mudo badan inkastoo arintaas hakad uu ku yimid markii Tababaraha cusub ee Man United Louis Van Gaal uu xaqiijiyay in liiska xidigaha uu doonayo uusan ku jirin kubad sameeyahaan.
Ka hor hadalka Van Gaal saxaafada ingiriiska ayaa qortay in Manchester United ay heshiis shaqsi ah la gaartay Toni Kroos, balse xidiga reer Jarmal ayaa qudhiisa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu sanadka dambe sii joogo Allianz Arena kadib markii Van Gaal uu ka hadlay arinta Toni Kroos.
Si Kastaba Football Direct News ayaa fahantay in Toni Kroos uusan marnaba ku biiri doonin kooxda Manchester United.
“Toni Kroos 100% kuma biirayo Manchester United” ayeyna cinwaan kaga soo dhigtay maqaal ay ka qortay xaaladii ugu dambeysay ee Kroos iyo Man United.
Van Gaal ayaa doorbidaya inuu khadka dhexe u wakiisho Bastian Schweiniestieger iyo Kevin Strootman isagoo meel iska dhigay wararka la xiriirinaya Cesc Fabregas iyo Toni Kroos.