Home » Europe » Champions League » Todobaadkan iyo 10-ka naadi ee aduunka ugu wanaagsan: Yaa Top 10-ka soo galay yaase baxay?

Todobaadkan iyo 10-ka naadi ee aduunka ugu wanaagsan: Yaa Top 10-ka soo galay yaase baxay?


Atletico

Kusoo dhawaada qiimeyntii todobaadlaha ahayd oo aan idin kugu soo gudbin jirnay 10-ka naadi ee ugu wanaagsan caalamka waxaana xusid mudan in todobaadkan ay dhaceen isbadalo xiiso badan, waxaana naga xasuusin ah in koox walbo lagu qiimeeyo waxqabadkeeda iyo guulaha ay gaartay 7-maalmood ee ugu dambeesay waxaana naga xasuusin ah in weli kooxaha Real Madrid iyo Liverpool aysan Top-ka kusoo laabanin inkastoo ay haatan ku kala jiraan kaalimaha 11-ka iyo 12-aad balse kaliya waxaan idiin soo gudbin doonaa 10-ka ugu sareeyaan qiimeynta todobaadlaha ah, sidoo kale kooxaha Top-ka ku jiraan qaar ka mid ah darajoojin ayay hoos u dhaceen balse naadiga Atletico Madrid ayaan lagu heesanin kaalinta 1-aad hadaba hoos kaga bogo qiimeynta todobaadkan iyo 10-ka naadi ee ugu sareeyaan qaarada Yurub:

Roma

10. Napoli: todobaadkii hore kaalinta 8-aad waxay hoos u dhacday labo darajo.

9. Paris Saint-Germain: todobaadkii hore kaalinta 10-aad waxay sare u kacday hal darajo.

8. Monaco: todobaadkii hore kaalinta 9-aad waxay sare u kacday hal darajo.

7. Roma: wax isbadal ah ma sameynin.

6. Juventus: todobaadkii hore kaalinta 5-aad hal darajo ayay hoos u dhacday.

5. Arsenal: todobaadkii hore kaalinta 6-aad hal darajo ayay sare usoo kacday.

4. Borussia Dortmund: todobaadkii hore kaalinta 3-aad hal darao ayay hoos u dhacday.

3. Barcelona: todobaadkii hore kaalinta 4-aad hal darajo ayay sare usoo kacday.

2. Bayern Munich: wax isbadal ah ma sameynin.

1. Atletico Madrid: todobaadkii 3-aad oo xariir ah ayay kaalinta 1-aad ku jirtaa!


2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Todobaadkan iyo 10-ka naadi ee aduunka ugu wanaagsan: Yaa Top 10-ka soo galay yaase baxay?

  1. Ismail ahmed ali Reply

    October 8, 2013 at 8:31 PM

    Waxaa layaab qiimeynta todobadka sida loo soo qoray arsinal iyo bayern uma qalman sitimankan maxa yelay barejo ayey galen waxan u,arka cadalad daro liverpool real madrid fulham ama blues in lagu badalo ayey ehed

  2. anigo ah young yusuf Reply

    October 9, 2013 at 12:01 AM

    qiimenta sanadkan waa la qaldey mxa yelay sida saxda mahan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close