Tima jaraha reer Mareenkan Rob Ferrel ayaa saxaafada aduunka soo jiitay kadib markii uu keenay hab jariin cusub kaasi oo uu macaamiil badan ku abuurtay, Ferrel oo ku nool magaalada Texas ayaa soo bandhigay sawiro muujinaayo macaamiisha uu timaha u jaray inuu madaxooda ku sawiri karo qaar ka mid ah xidigaha koobka aduunka ka qayb qaadanaayo, Rob Ferrel ayaa u suura gashay inuu wareysi dheer siiyo wargeska The Times wuxuuna sheegay in dhamaan xidigaha koobka aduunka ka qayb qaadanayaan mid walbo uu sawiro karo hada ma ahan sawir warqad lagu sameynayo ee wuxuu sameynayaa inuu timaha dadka uu u jaraayo madaxooda ku dul sawiro cayaaryahankii uu doono.
Rob Ferrel wuxuu sheegay qofkii ugu imaado xaruntiisa sidoo kalena ka codsado cayaaryahanka uu jecel yahay inuu jeegada ugu sawiro qaab jariin ah aysan wax badan ku qadaneyn kaliya wuxuu sheegay in daqiiqado kooban uu ku sameyn karo wuxuuna ninkaan gudaha dalka Mareekanka ku yeeshay macaamiil badan, labada sawir ee sare ka muuqato ayaa kala ah Lionel Messi iyo Javier Hernandez wuxuuna ku sawiray asigoo qaab jariin adeegsanaayo madaxyada labo qof oo macamiilkiisa ah kuwaas oo dalbadeen in madaxooda lagu sawiro Messi iyo Hernandez!
Profile