Kabtanka Arsenal Thomas Vermaelen ayaa inkiray wararka la xiriirinaya ku biiritaanka kooxda Manchester United isagoo si cad u sheegay iney been yihiin wax walba oo ay saxaafada ka qortay arimaha isaga iyo kooxda Old Trafford ka dhisan.
Warbixino badan oo ka imaanaya badi warbaahinta ingiriiska ayaa si cad u qeexayay in Thomas uu heshiis la gaaray kooxda Man United isagoo ku biiri doona kadib koobka Aduunka.
Balse daafaca reer Belgium kaas oo ka mid ah xidigaha xulkaas ee ka qeyb qaadanaya koobka Aduunka ayaa sheegay inuu diirada saari doono kaliya sidii ay Belgiumka guul muuqata uga gaari laheyd koobka Aduunka waqtigaan.
“Waan ogahay waxaa jira hadalo badan oo la xiriira doon-doonisteyda, balse kaliya waxaan dhihi karaa in dhamaan aysan aheyn wax run ah” ayuu Thomas u sheegay Sky Sports.
“Qof walba wuu ogyahay xaaladeyda Arsenal iyo in hal sano uu iiga haray qandaraaskeyga” Ayuu mar kale ku celiyay.
“Waan fahmayaa in dadku ay arintaas ka hadlayaan, waxaan halkaan [Brazil] u joogaa inaan ku raaxeysto waqtigeyga isla markaana aan xooga saaro waxa aan hada sameynay0″
Si Kastaba Vermealen ayaa diidan inuu ka hadlo hadii uu Wenger kala hadlay mustaqbalkiisa, “Waan wada hadalnay wax badan intii aan Arsenal joogay, balse maahan wax aan hada ka hadlayo, waxaa jira wax kaga haboon inaad su’aashaas i weydiiso”
Manchester United ayaa baadi goob xoogan ugu jirta doonista daafac adag madama Vidic, Buttner iyo Ferdinand ay kooxda isaga tageen.