Home » Maxaa Cusub » Thiago Silva: “Waxaan U Baahan Doonaa Qoray Si Aan u Celiyo Lionel Messi

Thiago Silva: “Waxaan U Baahan Doonaa Qoray Si Aan u Celiyo Lionel Messi


Thiago Silva: Stop Messi? I'll need a gun

Daafaca ahna kabtanka Xulka Brazil Thiago Silva ayaa ku kaftamay inuu u baahan yahay qoray si uu u celiyo Lionel Messi hadii labadooda ay ku kulmaan Koobka Aduunka ee bishaan bartamaheeda ka bilaaban doona dalweynaha Brazil.

Kabtanka PSG ayaa sadex jeer qasaaro kala kulmay Lionel Messi isagoo ku wajahay kooxaha Paris Saint Germain iyo Milan tartanka Champions League.

Waxaa macquul ah in labada shaqsi ay isaga hor yimaadaan tartankaan hadii labada xul aysan dhulka dhicin ilaa kama dambeysta waxaana la weydiiyay kabtanka reer Brazil hadii uu celin karo wiilka afarta jeer ku guuleystay abaalmarinta xidiga Aduunka ee Ballon d’or, Silva ayaana ku jawaabay iney arinta u baahan tahay cabir gooni ah.

“Sideen Ku Celin karaa?  Kaliya waxaa lagu joojin karaa qoray” Ayuu yiri 29-jirka reer Brazil isagoo la hadlayay BLOCK Magazine. “Waa ciyaariyahan ka warsuga galitaanka marka inta kale ee kooxda ay kubada ka shaqeyneyso, marka ciyaarta hal dhinac isugu tagto isago meel gooni ah ayuu kaligiis ku yahay”

“Inkastoo dhaawicii soo gaaray xili ciyaareedkii u dambeeyay uu qatar ku yahay koobka Aduunka”

Brazil & Argentina ayaa ku jira liiska wadamada yar ee loo saadaalinayo ku guuleysiga koobkaan waana labada xul ee ugu xifaaltanka culus qaarada Latin America.

Silva ayaa cadeeyay inuu jeclaan lahaa inu Argentina ku wajaho Finalka Koobka Aduunka isla markaana uu soo dhaweynayo iney mar kale xifaaltamaan.

“Argentina waa muqadas, Inaan Germany la ciyaarno sidii koobkii aduunka ee 2002 Korea-Japan lagu qabtay iyana waa kulan weyn ama inaan Spain wajahno kuwaas oo aan Finalkii Confederation Cupkii ku garaacnay 3-0″

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close