Home » Horyaalada » League 1 » Thiago Silva Oo Ugu Baaqay Labo Ka Mid Ah Xidigaha Reer Brazil Ee Chelsea Ku Sugan Inay Psg Usoo Dhaqaaqan

Thiago Silva Oo Ugu Baaqay Labo Ka Mid Ah Xidigaha Reer Brazil Ee Chelsea Ku Sugan Inay Psg Usoo Dhaqaaqan


Silva and Luiz

Kabtanka xulka Brazil Thiago Silva sidoo kalena ah daafaca aduunka ugu wanaagsanayaa si toos ah ula xariiray saaxiibadiisa xulka Brazil kala tirsan balse naadiga Chelsea ku sugan David Luiz iyo Oscar wuxuuna ugu baaqay inay xagaagan caasimada dalka France usoo dhaqaaqaan, labadan xidig mustabqalkooda garoonka Stamford Bridge cago badan kuma fadhiyo sidaa darteed Silva ayaa doonayo inay Paris xoojiyaan sidoo kalena xili cayaareedka dambe naadiga reer France ka caawiyaan sidii ay koobka horyaalada Yurub ugu guuleesan laheed wuxuuna Silva yiri “Oscar iyo Luiz waa xidigo aad u tayo wanaagsna sidoo kalena xulka Brazil joogto ugu cayaaraan waxaan ugu baaqi lahaa inay xagaagan Paris imaadaan si ay mustabqalkooda cayaareed mugdiga kaga saaraan”

Sidoo kale Thiago Silva ayaa wargeska The Telegraph u sheegay in kooxdiisa PSG ay haatan ka mid tahay naadiyada aduunka ugu wanagsan sidoo kalena ay u baahan tahay kaliya labo ilaa sedex cayaaryahan oo u tayo wanaagsan xili cayaareedka dambe wuxuuna yiri “Oscar iyo Luiz waa labada xidig ee PSG ka dhiman waxaana rajeynaa in maamulkeena ay si gaar ah ugu kuu gali doonaan xaalada labadan xidig oo ay u badan tahay inay Chelsea iska iibin doonto” Geeska kal Yohan Cabaye oo isna khadka dhexe Paris kaga cayaaro ayaa saxiibkiis Eden Hazard la xaiiray wuxuuna ugu baaqay inuu PSG imaado waxaana la wada ogyahay in kubad sameeyaha reer Belgium uu ka careesan yahay qaab cayaareedka macalin Jose Mourinho hadaba Paris xagagan ma u suura gali doontaa sedex ka mid ah xidigah Chelsea ugu muhiimsan inay lasoo saxiixato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close