Home » Maxaa Cusub » Theo Walcott Oo La Filaayo Inuu Dhawaan Garoomada Dib Ugu Soo Laabto

Theo Walcott Oo La Filaayo Inuu Dhawaan Garoomada Dib Ugu Soo Laabto


Walcott

Xidiga ugu muhiimsan kooxda Arsenal Theo Walcott wuxuu garoomada ka maqnaa inta badan qaybtii labaad ee xili cayaareedkii hore sidoo kalena wuxuu seegay koobka aduunka madaama qaliin looga sameeyay dhanka jilibka.

Weeraryahankan ayaa u muuqda inuu kasoo kaban rabo dhaawacii uu qabay sidoo kalena dhawaan ayaa la filaa inuu tababarka Arsenal dib u bilaabo, 25-jirkan tayada wanaagsan ayaa taageerayaasha Arsenal ka balan qaaday inuu kooxda ka caawin doono hanashada Premiership-ka xili cayaareedka nagu soo fool leh sidoo kalena wuxuu xiiso weyn u qabaa kasoo muuqashada garoomada madaama uu mudo dheer kubada cagta cayaarin.

Theo Walcott oo ka hadlaayo soo kabashadiisa wuxuu yiri

 “wax walbo haatan sida loogu tala galay ayay u socdaan sidoo kalena maalin walbo si adag ayaan u shaqeenayay waxaana doonayaa 5-bilood ee ugu dambeesay ee aan garoomada ka maqnaa ineysan igu sii dheeraanin”

Sidoo kale kubad sameeye Walcott ayaa saxaafada u sheegay inuusan mustaqbalkiisa cayaareed galin doonin wuxuuna yiri

“macalin Wenger marwalbo ayaan wada xariirnaa wuxuuna ii sheegay inaan dulqaad muujiyo sidoo kalena aanan ku dag dagin inaan tababarka si sahlan ku bilaabo sidaa darteed si dhaqsi ah ayaan garoomada ugu soo laaban doonaa balse waa inaan taxadir dheeraad ah muujiyo”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close