Home » Falanqeynta » The BIG Sunday: Man City Vs Man United, Milan Vs Napoli, Roma Vs Lazio, PSG Vs Monaco, Ajax Vs PSV!!!

The BIG Sunday: Man City Vs Man United, Milan Vs Napoli, Roma Vs Lazio, PSG Vs Monaco, Ajax Vs PSV!!!


Big Sundey

The Big Sunday ma ahan maalin sahlan waayo dhamaan kulamada ugu adag ee qaarada Yurub laga cayaaro ayaa halmar isku soo beegmeyn sidaa darteed horyaalada Yurub ugu xiisaha badan caawo indhaha ayaa lagu wada heyn doonaa waayo Man City Vs Man City dhinac ayay ku wada dagaalami doonaan AC Milan Vs Napoli garoonka San Serio ayay ku wada hardami doonaan halka Roma Vs Lazio uu ka dhaxeeyo xifaaltan soo jireen ah sidoo kalena PSG Vs Monaco oo ah labada koox ee lacagta ugu badan heestaan dalka France ayaa iyagana fagaaraha loo baneen doonaan halka Ajax Vs PSV oo ah labada koox ee dalka Holland ugu awooda badan iyagana is hardin doonaan hadaba kulankee jeceshay inaad daawatid! Waxaan si gaar ah uga hadli doonaa PSG Vs Monaco iyo Roma Vs Lazio madaama Man United Vs Man City iyo AC Milan Vs Napoli aan faalo gaar ah ka diyaarinay.

Italy: AS Roma v SS Lazio (4:00 galabnimo Live Aljazeera Sport +7):

Wax ka xiiso badan malahan markii ay labadan naadi ku kulmaan ay Derby di Capitalo waxaana xusid mudan in Roma haatan jawi wanaagsan ku jirto balse kooxdan aadbay ugu adkeed sanadihii ugu dambeeyay inay dhigeeda Lazio ka badiso waayo markii isugu dambeesay labadan koox Roma 1-0 ayaa looga qaaday Copa Italia xili cayaareedkii hore sidaa darteed Roma ayaa qabto ciil dheeraad ah, kabtan Totti ayaa ku rajo weyn inuu noqdo cayaaryahankii ugu horeeyay ee Derby di Capitalo 10-gool ka dhaliyo taariikh ahaan. Shaxda labadan naadi ay kusoo gali doonaan:

Roma: De Sanctis; Maicon, Benatia, Castan, Dodo; Pjanic, De Rossi, Strootman; Florenzi, Totti, Ljajic

Lazio: Marchetti; Cavanda, Cana, Ciani, Konko; Gonzalez, Hernanes, Onazi, Lulic; Candreva; Klose

 France: Paris Saint-Germain FC v AS Monaco FC (10:00 habeenimo Live Aljazeera Sport +6)

Waa kulanka ugu xiisaha badan ee xili cayaareedkan Ligue 1-ka France laga cayaari doono madaama labadan koox ay yihiin labada naadi ee ugu awooda badan dalka France, PSG xili cayaareedkii hore horyaalka iyada ayaa qaaday balse markan xaalka wuu ku culus yahay waayo Monaco ayaa hortaagan oo haatana hogaanka horyaalka horkaceyso, labadan naadi weli lagama badinin horyaalka waxaa u dhaxeeyo farqi labo dhibcood balse Monaco hogaanka ayay heysaa halka PSG ay kaalinta 3-aad ku jirto, hadaba caawa Cavani iyo Falcao ayaa indhaha lagu wada heyn doonaa madaama ay yihiin labada xidig ee ugu qaalisan taariikhda horyaalkan ahna gool xidigo shabaqa saaxiib la ah


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close