Xaaska Uu Qabo Carlos Tevez Vanesa Mansilla ayaa aaminsan in Tevez uusan ku fashilmin kubadda cagta Maadaama Laga saaray Xulka Argentina.
Xaaska Tevez ayaa tiri: ” Gebi ahaanba Waa wax laga xumaado in Tevez laga reebo Xulka Argentina ee cayaarayo koobka Adduunka, Sababtoo ah Wuu Ka fican yahay Lionel Messi iyo Gonzalo Higuain:
Xidigga Juventus ayaan kasoo muuqan guud ahaan Qarankiisa Argentina tan iyo markii macalin looga dhigay Alenjandro Sabella waxaana laga saaray liiska xidigaha uga qeyb galaayo koobka adduunka ee Brazil.
Mansilla ayaa weerartay Liiska Xidigaha Argentina, iyadoo ku adkeystay in Tevez uu gebi ahaanba mid mid uga fiican yahay 23 xidig ee loo soo xushay inay koobka adduunka u matalaan Argentina.
Xaaska Tevez Mansilla ayaa ugu dambeyntii isku qancisay inay farxad u tahay Tevez inuu fasax la qaato Qoyskiisa iyadoo usoo jeedisay hadalo qancin ah.