Tababaraha haatan ee kooxda Galatasaray Roberto Mancini ayaa la talin guud siiyay xidigii uu tababaraha ugu ahaa kooxda reer Turkey ee Didier Drogba kaas oo isaga tagay horyaalka turkiga isagoo u farmuuqay kooxda uu ku wacan yahay inuu u ciyaaro xili ciyaareedka soo aadan.
Halyeeygii hore Blues Drogba ayaa la filayay inuu dib ugu soo laabto Stamford Bridge markii ugu horeysay 2-sano kadib bale macalin Roberto Mancini ayaa u sheegay in Drogba uu ku wacan yahay u ciyaarista kooxda Juventus ee heysata horyaalka talyaaniga.
Mancini oo la hadlay Tuttusports ayaa yiri: “Dhabtii waxaan kula talin lahaa Drogba inuu aado Juventus halkaas ayuuna ku wacan yahay”
Juventus ayaa dooneysa Drogba iyadoo dalabyo fara badan u dirtay bishii January inkastoo ay macquul tahay in Drogba uu qeyb ka noqdo dagaalka ay Juve ku qaadi doonto koobka Horyaalada Yurub ee Champions League.
36-jirka reer Ivoary Coast ayaa xulkiisa Maroodiyaasha hogaamin doona koobka aduunka ee ka furmi doona Brazil bisha soo aadan.