Home » Maxaa Cusub » Tababare Jurgen Klinsmann Oo Magaacabay 30-Xidig Oo Hordhac U Ah Xidigaha Mareykanka Ee Koobka Aduunka

Tababare Jurgen Klinsmann Oo Magaacabay 30-Xidig Oo Hordhac U Ah Xidigaha Mareykanka Ee Koobka Aduunka


Donavon

Macalinka xulka qaranka Mareykanka  Jurgen Klinsmann ayaa soo magacaabay liis ka kooban 30-xidig kaas oo hordhac u ah xidigaha 23-ka ah ee kaga qeyb gali doona koobka Aduunka ee Brazil ka furmi doona bartamaha bisha June ee soo aadan.

Clint Dempsey & Landon Donovan ayaana hogaaminaya xidigaha xulka Mareykanka inkastoo aan la hubin iney ka mid noqon doonaan 23-ka xidig ee sida tooska ah loogu magacaabi doono xulka.

Goolhayaha Everton Tim Howard ayaa wali ku jira liiska xulka Mareykanka kaas oo 35-jir ah, sidoo kale goolhayaha Aston Villa Guzan oo 29-jir ah ayaa ku jira liiskaan waxaana sidoo kale goolhayaha sadexaad loo xushay Rimando oo 35-jir ah.

Liiska Rasmiga ah ee 23-ka xidig waxey Fifa u calaameysay in lasoo gudbiyo 2-da June.

Goolhayeyaasha: Brad Guzan (Aston Villa), Tim Howard (Everton), Nick Rimando (Real Salt Lake)

Daafacyada: DaMarcus Beasley (Puebla), Matt Besler (Sporting Kansas City), John Brooks (Hertha Berlin), Geoff Cameron (Stoke City), Timmy Chandler (Nürnberg), Brad Evans (Seattle Sounders), Omar Gonzalez (LA Galaxy), Clarence Goodson (San Jose Earthquakes), Fabian Johnson (Hoffenheim), Michael Parkhurst (Columbus Crew), DeAndre Yedlin (Seattle Sounders)

Khadka Dhexe: Kyle Beckerman (Real Salt Lake), Alejandro Bedoya (Nantes), Michael Bradley (Toronto FC), Joe Corona (Club Tijuana), Brad Davis (Houston Dynamo), Mix Diskerud (Rosenborg), Maurice Edu (Philadelphia Union), Julian Green (Bayern Munich), Jermaine Jones (Besiktas), Graham Zusi (Sporting Kansas City)

Weerarka: Jozy Altidore (Sunderland), Terrence Boyd (Rapid Vienna), Clint Dempsey (Seattle Sounders), Landon Donovan (LA Galaxy), Aron Johannsson (AZ Alkmaar), Chris Wondolowski (San Jose Earthquakes)


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close