Home » Maxaa Cusub » Tababare Arsene Wenger Oo Niyada Ka Jabiyay Jamaahiirta Kooxda Gunners

Tababare Arsene Wenger Oo Niyada Ka Jabiyay Jamaahiirta Kooxda Gunners


Wenger

Tababaraha reer France ee leyliya kooxda waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal Arsene Wenger ayaa beeniyay wararka kooxdiisa la xiriirinaya weeraryahanka Milan Mario Balotelli inakstoo ay jireen warbixino badan oo xidigaan la xiriirinaya inuu Emirates imaan doono xagaaga soo aadan.

Balotelli oo dhaliyay 18-gool, 41-kulan oo uu u saftay kooxda Milano ayaa dhowr jeer lala xiriiriyay inuu dib ugu laaban doono horyaalka Ingiriiska, iyadoo saxaafadu ku warantay in Wenger uu la xiriiray 23-jirkaan reer talyaani.

Si Kastaba Arsene Wenger oo la hadlay BeIN Sports  xili uu ku guda jiray falanqeynta koobka Aduunka ayaa wax laga weydiiyay xaalada kooxdiisa iyo Mario Balotelli inkasstoo macalinka reer France uu biyo qabow ku shubay wararka kooxdiisa la xiriirinaya xidigaan.

Arsene Wenger ayaa la filayay inuu soo qaadan doono Balotelli xili Jamaahiirta kooxda ay rajeynayeen in macalinka uu adkeyn doono weerarka si kooxda uga baxdo abaarta dhanka koobabka Horyaalka premier League ka heysata mudo badan.

Si Kastaba Wenger ayaa balan qaadyo hore u sameeyay Jamaahiirta kooxda inkastoo wali la oran karo suuqa kala iibsiga ma furmin.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close