Home » Maxaa Cusub » Tababare Arsene Wenger Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Arsenal

Tababare Arsene Wenger Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Arsenal


Wenger

Tababaraha reer France ee leyliya kooxda Gunners Arsene Wenger ayaa saxiixay heshiis sadex sano ah oo uu kooxda waqooyiga London kula sii joogayo ilaa 2017.

Wenger ayaa sanadii qaadan doona 8 Malyan taasoo ka dhigan inuu gabi ahaan sadexd sano heli doono aduun lacageed dhan 24 Malyan Oo Pound.

64-jirkaan ayaa ah macalinka ugu waqtiga dheer macalimiinta haatan leylisa kooxaha Ingiriiska, sidoo kalana waa macalinka labaad ee ebid ugu leylinta dheer hal koox oo ingiriiska ah kaliya Sir Alex Ferguson ayaa kaga horeeya liiskaas madaama uu kooxda Gunners maamulayo mudo 17-sano ah.

Mustaqbalka Arsene Wenger ayaa mugdi uu ku jiray ka hor ku guuleysigii FA Cupka waxaana macalinkaan uu waqtigaas balan qaaday saxiixa uu maanta soo afjaray.

Theo Walcott ayaa bogiisa twitter-ka kusoo qoray. “War wanaagsan waaye in Wenger uu saxiixo”

Sidoo kale Wenger ayaa ka hadlay heshiiskiisa cusub wuxuuna yiri: “Waxaan doonayaa inaan joogo halkaan siina wado hormarka kooxda, waxaan gali doonaa xili xiiso leh waa inaan yeelanaa koox adag, Degenaasho maaliyadeed & taageero culus si kooxda guulo waaweyn u gaarto”

Ugu dambeyntii Wenger ayaa gacanta loo galin doonaa 100 Malyan si uu ciyaartoy ugu soo iibsado waxaana laga doonayaa inuu horyaalka soo xareeyo mudo 10-sano kadib.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close