Home » Maxaa Cusub » Tababare Arsene Wenge Oo 100 Malyan Qarash Gareyn Doona, Heshiis Cusubna Saxiixi Doona

Tababare Arsene Wenge Oo 100 Malyan Qarash Gareyn Doona, Heshiis Cusubna Saxiixi Doona


gunners

Kooxda Arsenal ayaa gacanta ka saari doonta tababare Wenger heshiis ku kacaya 24 Malyan Oo uu kula sii joogayo kooxda waqooyiga London ka dhisan mudo sadex sano ah waxaana la filayaa inuu heshiiskaan saxiixo 72-ka saac ee soo aadan.

Sportsmail ayaa fahantay in Wenger uu saxiixi doono heshiis sadex sano ah kaas oo uu sanadii qaadan doono 8 Malyan.

Sidoo kale maamulka Gunners ayaa ku dhawaaqay iney sameyn doonaan qarash gareyntii ugu weyneyd ebid ay sameeyaan si ay mar kale uga baxaan abaarta koob la’aan ee ka heysata tartanka Premier League oo ay ugu dambeysay 2004.

Inkastoo kooxda ay u baahan tahay dib u habeyn xoog eh hadana maamulka Arsenal ayaa Wenger u balan qaaday lacag dhan 100 Malyan si ay kooxda u noqoto mid leh awood dhameystiran.

Arsene Wenger ayaa isha ku haya xidigo badan oo ka ciyaara qaarada yurub waxaase uu si gooni ah uu doon-doonayaa labada weeraryahan ee Bayern iyo Real u kala ciyaara Mandzukic iyo Benzema, sidoo kale  da’yarka Bayer Leverkusen Lars Bender, daafaca Southampton Morgan Schneiderlin, daafaca Toulous Serge Aurier.

Dhamaan xidigahaas ayaa la filayaa in Gunners lagu soo biiriyo marka uu furmo suuqa kala iibsia ciyaartoyda, sidoo kalana Wenger ayaa ku niyad san inuu Sagna iyo Fabianski uu ku qancin doono iney baaqi kusii ahaadaan Emirates.

Balanqaadka Maamulka Arsenal iyo  niyadsamida Wenger ayaa kusoo beegmay xili halyeeygii hore Man United Rio Ferdinand uu kooxda kula taliyay iney so iibsadaan ciyaartoy badan si ay kooxda muraal ahaan u dhisanto.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close