Home » Maxaa Cusub » Taagerayasha Juventus Oo Soo Faragaliyay Dhibaatada Ka Dhex Taagan Maamulka Kooxda & Tababare Conte

Taagerayasha Juventus Oo Soo Faragaliyay Dhibaatada Ka Dhex Taagan Maamulka Kooxda & Tababare Conte


A Juventus supporter waves a flag in downtown Turin after Juventus team won the 28th Italian Serie A title

Taageerayaasha kooxda Juventus ayaa si rasmi ah usoo fara galiyeen arinka is mari waaga ah ee ka dhex taagan maamulka sare ee kooxdan iyo tabbare Antonio Conte taasi oo keentay in macalinkan tayada wanaagsna uu qaato go’aanka uu xilka isaga dhiibayo waxaana la isku maan dhaafay inuu Conte dalbaday in xidigo dheeraad ah kooxdiisa loo soo iibiyo sidoo kalena kuwa haatan magaalada Turinku sugan gaar ahaan Paul Pogba iyo Arturo Vidal inaal la iibin balse maamulka Juve ayaa arinkan ku gacan seereen waxayna Conte u shegeen in dalabkiisa uu yahay mid aysan fulin karin, inkastoo weli labada dhinacaysan wada hadalada ku kala boodin hadana taageerayaasha kooxda Juve ayaa soo fara galiyeen waxayna haatan si rasmi ah shaaca uga qaadeen inay tababare Conte la safa yihiin.

Wararka laga helaayo gudaha magaalada Turin ayaa sheegayo in axada nagu soo fool leh ay taageerayaasha kooxda Juventus sameyn doonaan dibad bax aan horey loo arag ayagoo garab istaagi doonaan macalin Conte sidoo kalena maamulka kooxdan ku cadaadin doonaa inay go’aankooda badalaan, inkastoo axada Juve ay u dabaal dagi doonto hanashad Serie A-da sidoo kalena horyaalka gacanta loo galin doono hadana taageerayaasha kooxdan faca weyn intooda badan ma faraxsano waxayna ka xun yihiin in macalinkii waayihii quruxda badnaa ee kooxda Juve dib usoo celiyay in rabitaankiisa la fulin waayo sidaa darteed waxay soo qaadan doonaan boorar ay ku xardhan yihiin “Mashruuca Conte waa inuu sii socdaa” sidoo kalena taageerayaasha daacada ah waxay maal maha nagu soo fool leh buux dhaafin doonaan xarunta madaxda Juve si ay cadaadiska ugu sii badiyaan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close