Home » Maxaa Cusub » Steven Gerrard Oo La Filayo Inuu Heshiiska U Kordhiyo Kooxdiisa Liverpool

Steven Gerrard Oo La Filayo Inuu Heshiiska U Kordhiyo Kooxdiisa Liverpool


Gerrad

Kabtanka Kooxda Liverpool Steven Gerrard aya ala filayaa inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa kadib markii xiliga dhicitaanka heshiiskiia ay soo dhawaatay, waxaana kaga haray kaliya 12-bilood.

Sida ay xaqiijisay  Liverpool Echo macalin Branden Rodgers ayaa qorsheynaya inuu heshiis cusub ka saxiixo kabtankiisa kaas oo xili ciyaareedkaan muujiyay sida uu wali u ciyaari karo kubada cagta.

Gerrard ayaa dhaliyay xili ciyaareedkaan in ka badan 10-gool, wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay iney u tartanto una dhawaato hanashada horyaalka Ingiriiska markii ugu horeysay mudo 24-sano ah.

Rodgers oo la hadlay  Liverpool Echo ayaa yiri: “”Steven wuxuu naga heli doonaa heshiis kordhin madama uu muujiyay qiimahiisa xili ciyaareedkaan”

Influence: In his new deeper role, Gerrard has been instrumental in Liverpool's title push

“Waxaan aaminsanahay in Steven uu ciyaari karo kadib 2015-ka, qof walba ayaana ka arkay awoodiisa ciyaareed ee xili ciyareedkaan, haatan waa 34-jir wuxuuna ciyaari karaa ilaa sanado badan”

“Wuxuu u guuray boos cusub, wuxuuna isku maamulaa caqligiisa waxaana filayaa in booskiisa cusub uu mudo sii ciyaari karo”

“Kooxo badan ayaa xuquuqda kaga ciyaara xidigaha da’daan oo kala ah balse Liverpool waa koox leh ixtiraam gooni ah mana dooneyno inaan lumino kalsoonida kabtankeena oo ah mid dhiigiisa u huray kooxda mudo badan” ayuu Rodgers ku dajiyay niyada Jamaahiir badan oo dooneysa in Liverpool ay ku dhex aragto Gerrard.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close