Home » Maxaa Cusub » Stephan El Shaarawy Oo Iska Diiday Dalabyo Uga Yimid Sadex Kooxood Oo Ka Dhisan Ingiriiska

Stephan El Shaarawy Oo Iska Diiday Dalabyo Uga Yimid Sadex Kooxood Oo Ka Dhisan Ingiriiska


Stephan El Shaarawy

Weeraryahanka kooxda Ac Milan Stephan El Shaarawy ayaan wax tixgelin ah u heynin kooxaha reer England ee xiiseynaya kuwaas oo dalabyadooda ku aadan xidigaan u gudbiyay kooxdiisa Ac Milan.

Xidigaan Asal Masaariga ah ee qaatay dhalashada dalka Italy ayaa ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan dhanka weerarka kooxda Milan walow xili ciyaareedkaan uu inta badan ku qaatay dhaawacyo kasoo gaaray anqawga.

Stephan El Shaarawy ayaa kaliya kasoo muuqday Milan 6-kulan dhamaan xili ciyaaredka balse soo kabsashadiisa ayaa suura uga dhigi karta inuu u matalo xulka Azzurri koobka Aduunka ee Brazil ka dhici doona.

Si Kastaba 21-jirkaan reer Italy waxaa isha ku hayay kooxaha Man United, Liverpool & Arsenal kuwaas oo ay dhamaantood heysato dhibaato dhanka weerarka ah.

Liverpool ayaa ka fikireysa mustaqbalka Luis Suarez kaas oo ay lacago badan ku dooneyso Madrid, halka Arsenal ay u baahan tahay weeraryahan ka bixiya abaarta dhanka goolasha.

Stephan El Shaarawy ayaana ka dhawaajiyay inuu doonayo sii joogitaanka kooxda Milan hadalka xidigaan ayaana dhabar jab ku noqonaya kooxaha daneynaya saxiixiisa.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close