Gareth Bale ayaa noqday qasaaro u joog labadii qeyb ee ciyaarta isagoo Real Madrid ka qasaariyay fursado gool loo fishay oo ay Jamaahiirta Los Blancos madaxa la ruxeen, balse qaladkiisii gadaal ayuu ka saxay markii uu hogaanka u dhiibay Madrid 30-kii daqiiqo ee dheeriga ahaa.
Iyadoo ay taasi jirto hadana marxalado kala duwan ayey soo martay ciyaartii xalay, murugo bilawgii Real Madrid, Madax Xanuunkii Gadaal dambe ee Atletico Madrid, Xamaasadii Macalinka reer Argentina Diego Simeone, Qaladkii goolka looga dhaliyay Real Madrid ee uu galay Casillas.
Si Kastaba Sawiradii laga soo aruuriyay hoos ka daawo:
Ka Hor Bilawgii Ciyaarta, calamada labada kooxood oo labada gees ka suran Koobka Champions League
Muuqaalka Bilawga Garoonka Estadio da Luz kaas oo ay ku xifaaltameen kooxihii caasimada Madrid
Costa Oo dhaawac dartiis looga saaray garoonka Adrian Lopez ayaana lagu badalay
Fursadii ugu qaalisaneed ee Real Madrid soo marta qeybta koowaad, Gareth Bale ayaa qasaariyay
Qaladkii Casillas & Faa’idadii Atletico Madrid, [Diego Godin] ayaana hogaanka u dhiibay Atletic
Godin & Gabi Oo u dabaal dagaya goolka hogaanka u dhiibay Atletic Madrid
Ronaldo Oo tilmaamaya in qaabka wax laga badalo kadib goolkii Atletic Madrid
Mar Kale [Bale] Oo Fursad dahabi ah ka qasaariyay Real Madrid qeybtii dambe ee ciyaarta
Shumacii Ramos oo shiday Lisbon, waqtigii dhimashada ayuuna barbardhac u keenay Madrid
WAXBA MA MAQLO: Sergio Ramos Oo U dabaal dagaya goolkisa kuna hor dabaal dagay Jamaahiirta Atletic
Wada Tashigii wax lagu keeni waayay xidigaha Atletic oo tashana kadib waqtigii dheeriga ahaa
WAA U QALMAA 100 MALYAN: Gareth Bale oo hogaanka u dhiibay Madrid qeybtii hore ee waqtiga dheeriga ahaa
MA FAHMIN SABABTA AAD 5-DAQIIQO UGU DARTAY: Tababare Diego Simeone oo aan jecleysan daqiiqadaha dheeriga ah ee uu garsooraha ku daray ciyaarta
Marcelo Oo Hurdo u diray Atletic Madrid isagoo dhaliyay goolka labaad ee Madrid hogaanka kusii qabatay
LISBON WAA MAGAALADEYDA: CR7 OO QUUSIYAY WIILASHA DIEGO SIMEONE ISAGOO GOOL KU LAAD KA DHALIYAY AAQIRKII
WALES BAAN U DHASHAY: Boqol Malyanle Bale oo ku muujinaya calanka wadankiisa dabaal dagii Real Madrid
DHAMAAD: IKER CASILLAS, oo kor u qaaday Champions League
Sawirkee ama Oraahdee kuugu soo jiidasho badan markaad aqrisay dhamaan?