Home » Horyaalada » La liga » Sevilla Oo Ogolaatay In Alberto Moreno Uu Ku Biiri Liverpool, Balse Hal Shuruud Ayaa Ku Xiran

Sevilla Oo Ogolaatay In Alberto Moreno Uu Ku Biiri Liverpool, Balse Hal Shuruud Ayaa Ku Xiran


Alberto-Moreno

Maalmo ka hor waxaa shaaca laga qaaday in kooxda Liverpool ay ku guuleesatay saxiixa daafaca garabka bidix ee naadiga Sevilla Alberto Moreno madaama Liverpool ay baahisay inay xidigan ku qaadan doonto €20m iyo Suso in amaah lagu siin doono kooxda reer Spain.

Madaama haatan Moreno laga reebay liiska xulka Spain ee ka qayb qaadan doono koobka aduunka waxaa la filaayay in xidigan maal maha nagu soo fool leh inuu garoonka Anfiled usoo duulo si uu tijaabo caafimaad u maro, balse haatan qorshihii Liverpool waxaa hor istaagay agaasimaha kooxda Sevila Monchi oo sheegay in weli kooxdan aysan qanacsaneyn sidoo kalena ay doonayaan in qiimaha Moreno sare loo qaado.

Mr. Monchi ayaa Liverpool ku wargeliyay in Sevila aysan u baahneyn cayaaryahanka dhalinta yar Suso balse ay doonayaan si toos ah lacagaha Moreno sare loo qaado sidaa darteed Sevilla waxay Liverpool ka dalbatay €22m sida darteed qorshihii Moreno uu Anfield todobaadkan kusoo aadi lahaa dib u dhac ayaa ku yimid waxaana arinkan xaqiiiyay wargeska AS.

Sidaa darteed maamulka Liverpool ayaa haatan dib isugu laaban doonaan waxayna ka tashan doonaan in Sevilla la siiyo lacagaha ay Moreno ku dooneyso ama ay gabi ahaanba heshiiska xidigan isaga baxaan waxana naga xasuusin ah in kooxda Chelsea ay sidoo kalena dhankeeda dadaal ay xidigan tayada wanaagsan kusoo xero galineyso ay wado.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close