Garabka xulka Ireland iyo kooxda Everton Seamus Coleman ayaa xaqiijiyay inuu iska diiday dalab uu ka helay kooxda Arsenal si uu ugu badalo booska Bacary Sagna balse xidigaan ayaa heshiiska u kordhiyay Everton.
Sportsmail aya fahantay in Everton ay hormar ka gaartay saxiixa xidigaan inkastoo aan la shaacin waxaana lasoo bandhigi doonaa 24 -ka saac ee soo socda heshiiska uu saxiixay.
Xidigaan heerka caalami ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday soo bandhigay waxqabad toos ah taasoo keentay iney dagaal u galaan kooxaha ugu sareeya horyaalka Premeir League.
Arsenal ayaa ugu dambeysay kooxaha daneynaya heshiiska xidigaan madama uu ka tagay Bacary Sagna oo booska labaad kaga ciyaarayay balse wajigabax ayey la kulantay Arsenal.
25-jirkaan heeshiiska uu kula jiro Eveton waxaa kaga hartay 4-sano isagoo heshiis dheeri ah kusii kordhiyay.
Profile