Xulka Talyaaniga ayaa gaaray magaalada Rio De Jeniero ee dalka Brazil ka hor inta aysan usii safrin xeradooda tababarka Mangaratiba oo qiyaastii 75 Miles u jirta caasimada.
Xulka Azzuri oo uu hogaminayo Kabtan Gigi Buffon iyo tababare Pranelli ayaa soo racay diyaarada (Alitalia) ee ay ku safraan had iyo jeer xulka Azzurri waxaana ay soo qaateen safar dheer oo mudo 12-saac socday.
Liiska Xulka Talyaniga waxaa ku jira 9-xidig kuwaas oo aan waligood tartan kaga qeyb galin xulka waaweyn ee Talyaaniga:
Ciro Immobile (Torino)
Alessio Cerci (Torino)
Matteo Darmian (Torino)
Mattia Perin (Genoa)
Antonio Mirante (Parma)
Lorenzo Insigne (Napoli)
Mattia De Sciglio (Milan),
Andrea Ranocchia (Inter)
Marco Parolo (Parma)