Ciyaar aad u xiisa badneyd oo udhaxeysay ciyaartoyda da,adoodu kayartahay 20 jirada labada wadan ee Soomaliya iyo sudan ayaa waxa ay kadhacday Garoonka Stadium Al khortoum.
Labada kooxood markii ay garoonka soogalkeen ayaa mid kastaa waxaa loo garaacay astaankta wadankiisa intaa kadibna garsooraha ayaa seeriga yeershay iyadoo xulka soomaliya uu ka helayay taageero aad uweyn jaaliyada soomaliyeed ee dalka sudan.
Daqiiqadihii ugu horeeyay ciyaarta ayaa jawigii garoonku isbadalay kadib markii sadax gool oo deg deg ah laga dhaliyay ciyaartoydii dalkeena soomaliya waxana qeybti hore lagu kala nastay sadax gool iyo eber.
Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad waxa soomaliya sadaxdii hore loo raacshay sadax kale taa oo kulanka kadhigtay inuu kusoo idlaado lix gool iyo eber.
Xulkeenu waxa uu umuuqday mid jir ahaan katabar yar ciyaartoydii lacayaareysay ee dalka sudan waayo garoonka gudihiisa badanaa kuma aysan ahayn sidii laga doonayay xul qaran oo wadan matalaya waxaa taageerayaashu ka codsanayeen ciyaartoyda in aysa biyaha badsan maadamaa kubadii foora baxdaba la arkayay ciyaartoyda oo biyaha sidaran u cabaya .
Qaladaadka ugu badan ayaa kajiray dhanka difaaca dambe ee ciyaartoyda wadankeena ee noo matalayay (Play Off ) ka bariga iyo bartamaha afrika taa oo sababtay in Goolhayaha Qaranka ay soo wajahdo qalqal xoogan oo kaga imaanayay hujuumka ciyaartoyda sudan.
Bashiir kaahiye Liibaan waa kabtanka xulka qaranka xidigaha kayar 20 ka sano ee guuldarada lagu biday meydaanka Alkhortoum waxa uu sheegay mar uu wareysi siinayay Shabakadda Hiilkubad in niyadoodu ay wacantahay sidaana aysa kuraja dhigi doonin oo ay sii wadayaan sidii malin un guushii laga gaaray oo kale ay dalkooda soomaliya ugu hoyn lahaayeen .
Sidookale Ciyaaryahan Meyman oo ah Xidig laga jecelyahay gudaha dalka iyo dibadiisaba gaar ahaan Sudan madama hada kahor gool uu dhaliyay lagu suul daaray dalka sudan Waxaana uu sheegay wax iska badaleen madama hada kahorba ay guul ka keeneen dalka sudan wuxuuna sheegay in isga qudhiisaba uu filanayay guul balse kubadu tahay madow iyo cadaan in lagu kalsoonadana ay muhiim tahay.
Waxaana xasuus gaara mudan in xulkeenu uusan garab kaweyn garoonkii ay ku cayaarayeen ayna kaheleen taageero xoogan magaalada khortoum gudaheedana waxa la isaga daabulayay gawaari iyadoo ay jaaliyada soomaliyeed .midowga ardayda soomaliyeedba ay dhaxda u xirteen isku keenida taageero fara badan niya samina loo muujiyo qaranka balse nasiibku uu guusha kaweeciyay lamina oran Karin guuldarada waxa loo aaneynayaa cimilada madama jawigu uu ahaa mid aad udagan.
Waxaa Soo Aruuriyay Xogtaan: Maxamed Ciise Koonaa
Xafiiska Wararka Shabakadda Hiilkubad
Sudan – Khartoum