Kadib guul taariikhi ah oo ay Holland xalay ka gaartay xulka difaacanaya koobka Aduunka ee Spain, tababaraha xulka Holland Louis Van Gaal ayaa ciyaartoydiisa u ogolaaday iney la kulmaan Xaasaskooda, Saaxiibadooda & qoysaskooda.
Holland ayaa xalay gaartay guushii ugu cusleed tartankaan markii ay 5-1 ku garaacen Spain kulankii ugu horeeyay groupka B kaas oo xalay ka dhacay El Salvador.
Si Kastaba tababaraha reer Holland kaas oo heshiis kula Jira Manchester United ayaa ciyaartoydiisa fasax u siiyay ciyaartodiisa iney dabaal dag farxadeed la qaataay xaasaskooda.
Arjen Robben oo ahaa wiilkii xalay maasheeyay Spain ayaa sawir farxadeed kala soo muuqday gacalisadiisa hotel ku yaala magaalada El Salvador.