Weeraryahanka reer Uruguay Luis Suarez ayaa u muuqda inuu sii joogi doono garoonka Anfield xili ciyaareedka dambe kadib markii uu kasoo muuqday maaliyada ay xili ciyaareedka dambe Liverpool ku ciyaareyso kulamada ay martida tahay, waxaana had iyo jeer soo bandhiga xidigaha ay kooxda hubto iney joogayaan.
Mustaqbalka Suarez ayaa mugdi ku jiray kadib markii kooxaha reer Spain ee Barca iyo Real ay usoo direen dalabyo hor leh balse xidigaan ayaa mar walba saxaafada u sheegay inuu doonayo joogitaanka Anfield.
Suarez ayaa Liverpool u hogaamiyay xili ciyaareedkaan iney ku dhameysato kaalinta labaad sidoo kalana wuxuu ku guuleystay abaalmarinta xidiga Sanadka, Xidiga Xili Ciyaareedka iyo Kabta Dahabka Gooldhalinta.
Maaliyadaan ayaa shabahda Maaliyadi ay ku ciyaareysay koxoda xili ciyaareedkii 2006/2007
Xushmad La Xushmeynayo Dhacdaddii 96-da qof ay ku dhimatay ee Hillsbrough