Lionel Messi ayaa ka qeyb qaatay tababarka xulka Argentina ee magaalada Boines Aires ay ku sameeyeen shalay oo isniin aheyd.
26-jirkaan reer Catalonia ayaa xerada tababarka kula biiray Sergio Aguero iyo Lavezzi kuwaas oo kaga horeeyay tababarka waana kabtanka xulka ee koobka Aduunka.
Mucjisada kubada cagta Argentina kaas oo afar jeer oo xiriir ah ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa xili ciyaaredkii dhamaaday ay xaalada ku xumaatay iyadoo ay lasoo darseen dhaawacyo badan oo hareeyay nolosha iyo bandhigiisa kubada cagta.
Si Kastaba Lionel Messi ayaa diyaar u ah inuu naftiisa u huro xulkiisa Argentina ko0bka Aduunka ee bisha soo aadan ka furmi doona dalka Brazil.
Argentina ayaa hogaamineysa Group F oo ay ku jiraan: Nigeria, Bosnia iyo Iran.
Jamiil Indhacade
May 27, 2014 at 6:09 PM
oo thanks sxb sare shardinho