Home » Maxaa Cusub » Sawir: Xabi Alonso Oo Galay Xusuus Xanuun Badan Soona Bandhigay Sawir Laga Naxo

Sawir: Xabi Alonso Oo Galay Xusuus Xanuun Badan Soona Bandhigay Sawir Laga Naxo


ALonso1

“Nimaan Dab Ku Guban Dambaskiisa Kama Cararo” Waa Maamaah Jirta oo caan ah, balse ujeedku maahan inaan anigu iska iri ee Xabi Alonso ayaa gocday [Xasuustay] qalad xanuun badan oo uu kala kulman Nigel De Jong Finalkii Koobkii Aduunka ee 2010, markaas oo garsoore Howard Webb uusan siin De Jong calaamadii uu u qalmay.

Spain ayaa xiligaas car-car aheyd waxeyna 1-0 ku qaadeen koobkii Aduunka ee xiligaas ka dhacay South Afrika, balse caawa ayey isku wajahayaan kulanka ugu horeeya groupka B Koobka Aduunka 2014 ee Brazil ka furmay.

Xabi Alonso ayaa soo galiyay sawir uu u egyahay Dhibane, inkastoo sawirka dhinaciisa kale lagu muujinayo qaladkii De Jong uu ka galay Alonso.

Sawirka Alonso ayaa bixinaya xanuun iyo gocasho gaar ah, waana micno gaar ah oo mar laga yaabo in garsooraha ay tusto in qaladkaas uu ahaa mid uu ka gaabiyay digniin u ah garsooraha caawa ee reer talyaani Nicolas Rizzolli bal inuusan isna dhaafin hadii ay dhacdo, dhacdo la mid ah.

Alonso

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close