Home » Horyaalada » La liga » Santi Cazorla Oo Diyaar U Ah Inuu Dalabka Atletico Madrid Ka Jawaabo

Santi Cazorla Oo Diyaar U Ah Inuu Dalabka Atletico Madrid Ka Jawaabo


Santi Cazorla

Kubad sameeyaha kooxda Arsenal Santi Cazorla ayaa qirtay inuusan diidi karin dalabka wanaagsan oo ay kooxda Atletico Madrid usoo dirtay wuxuuna xidigan sheegay in ku laabashada La Ligaha Spain uu siweyn u daneynayo inkastoo Arsenal qandaraas kula jiro hadana xidigan laga daba dhacay wuxuu yiri “sharaf weyn ayay ii tahay inay Atletico ila soo xariirto sidoo kalena waayadan waxaan ku fikiraayay inaan La Ligaha ku laabto balse ma aqaan sida ay Arsenal ii fasaxi doonto waayo dhawaan ayuu macalin Arsene Wenger ii sheegay inaan muhiim u yahay qorshihiisa xili cayareedka dambe” Santi Cazorla oo horey ugu cayaari jiray kooxaha Villareal iyo Malaga ayaa haatan ka mid ah xidigaha xulka Spain koobka aduunka u matalaayo waxaana saxiisa siweyn ugu raad joogto naadiga Atletico Madrid.

Wargeska The Mirror ayaa sheegay in kooxda ka dhisan caasimada dalka Spain ay xidigan waaya araga ah ku dooneyso €20million waxayna Atletico lasoo xariirtay wakiilkiisa waana lacagtii ugu badneed ee Arsenal loo gaaro Cazorla oo 3-bilood ka hor sheegay inuu damacsan yahay ku laabashada La Ligaha wararka ayaa intaas ku daraayo in kooxda Atletico Madrid ay xidigan ku dooratay farsamadiisa wanaagsan iyo dhalintiisa la isku haleen karo waxayna dooneysaa inay booska Arda Turan galiso madaama xidiga reer Turkey loo badinaa inay kooxdan iska iibin doonto marba hadii uu diiday inuu sare u qaado qandaraaskiisa uu ku eg bartamaha sanadka 2015.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close