Home » Africa » Samuel Etto’o Wuxuu Leeyahay 400-Mobile Balse Ma Qori Karo Fariin Qoraaleed!!

Samuel Etto’o Wuxuu Leeyahay 400-Mobile Balse Ma Qori Karo Fariin Qoraaleed!!


Samuel-Eto

Weeraryahanka reer Cameroon ee ka tirsan kooxda Chelsea Samuel Etto’o ayaa wax laga qoray noloshiisa gaarka ah waxaana la yaab ah in wargeska The Sun uu si gaar ah uga hadlo nolosha qarsoon ee xidigan wuxuuna sheegay in xidigan ka tirsan kooxda Chelsea uu haatan leeyahay 400-mobile weliba mid walbo wuu aruuriiyaa mana tuuro Mobile-kii uu isticmaalkiisa joojiyo sida darteed Etto’o haatan 400 oo mobile ayuu heestaa, sidoo kale The Sun ayaa ka dhawaajiyay in 14-mobile uu haatan adeegsado taasi ayaa ka dhigan in Etto’o 386-mobile oo qaraab ah uu qol ku heesto!

Balse arinka la yaabka leh ayaa ah in macalinkii hore ee xulka Cameroon uu sheegay in xidigan uusan aqoonin sida fariin qoraaleed mobile-ka loogu dirsado waa la yaab in 400 oo mobile leh hadana aanan waligiis fariin qoraaleed dirin! Macalinkii hore ee reer Cameroon Mr. Otto Pfister “Etto’o marnaba ma diri karo fariin qoraaleed sidoo kale ma yaqaan sida Lap-top-ka loo adeegsado!” hadaba xidigan hantida farabadan leh muxuu kaga jawaabi doonaa dacaayada uu ka fidiyay macalinkiisii hore?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close