Kabtanka Cameroon Samuel Eto’o kaas oo haatan shaqo la’aan ah ayaa doonaya inuu ku biiro kooxd waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal si uu xifaaltan ugu muujiyo kooxdiisii hore Blues iyo Macalin Jose Mourinho.
Samuel Eto’o iyo Jose Mourinho oo ahaa laba shaqsi oo aad saaxiibo u ah ayaa ku kala tagay xanaaq kadib markii macalinka reer Portugal uu shaki galiyay da’da uu jiro Eto’o.
Arsenal ayaa bartilmaamedsaneysa da’yarka Real Madrid Alvaro Morata balse Eto’o ayaa doonaya inuu si xor ah ugu biiro sida ay qeexeen warar ka imaanaya gudaha Spain.
Xidigii hore Barcelona, Inter Milan & Anzhi ayaa ku haminaya inuu dagaal culus la galo Jose Mourinho iyo Chelsea waxaana uu cududa ugu weyn ee kula dagaali karo ay noqotay ku biiritaanka Arsenal, madama labada kooxood ay ku xifaaltamaan magaalada London.
33-jirkaan reer Africa ayaa dagaal u gali doona booskiisa hadii Arsenal ay ogolaato inuu ku biiro waxaana haatan ay kooxda heysataa kaliya hal weeraryahan waana Olivier Giroud.
Loic Remy, Mandzukic & Benzema iyagana wey ku raad joogtaa.