Weeraryahanka Xulka Cameroon iyo Kooxda Blues Samuel Eto’o ayaa weeraray macalinkiisa Jose Mourinho isagoo intaas ku darayiney doqonimo u tahay inuu su’aal ka keeno da’diisa isla markaana da’diisa ay u ogolaaneyso inuu u ciyaaro si heer sare ah.
Mourinho oo sidoo kale macalin ugu ahaa Eto’o kooxda Inter Milan sanadii 2010 ayey kaamiro qarsoon qabatay isagoo su’aal ka keenay da’da xidiga reer Cameroon intii lagu guda jiray xili ciyaareedkaan.
33-jirkaan qarka u saran inuu kasoo muuqdo koobkiisii aduunka ee afaraad ayaa dabaal dag kaga jawaabay hadalkii Jose Mourinho kulankii todobaadkaas uu goolka ka dhaliyay Tottenham Hotspur.
Haatan Eto’o oo qandaraaska uu Chelsea ku joogo dhamaaday ayaa doonaya inuu ka ciyaaro horyaalada ugu waaweyn yurub mar kale waxaana uu xili ciyaareedkaan uu Blues u dhaliyay 12-gool dhamaan tartamada oo dhan.
Eto’o ayaa la hadlay africanfootball.com, “Waad ku mahadsan tihiin inaad igu wargalisaan ka qeyb galka koobka aduunka, waana kii iigu dambeeyay sidaan filaayo”
“Maanta waxaan ahay 33-jir, sababna uma ahan inuu si doqonomi ah iigu yeero duq, waana inaad aamintaa”
“Waxaadna ogaataa in ninka da’da ah uu ka waxtar fiican yahay midka yar”
“Dadka qaar ayaa aaminsan inaan aadi doono mareykanka iyo bariga dhexe, balse waxaan ku raaxeysan doonaa champions League anigoo aadi doona koox weyn oo yurub ka ciyaarta, waa tee? Ma doonayo inaan idiin sheego hadda”
Eto’o ayaana la hubaa inuu ka dhaqaaq doono Chelsea xagaaga soo aadan.