Home » Maxaa Cusub » Samir Nasri Oo Aqbalay Inuu Heshiis Waqtigiisa Dheer Yahay U Saxiixo Man City.

Samir Nasri Oo Aqbalay Inuu Heshiis Waqtigiisa Dheer Yahay U Saxiixo Man City.


_58628029_samir_nasri_still

Inkastoo Samir Nasri laga reebay liiska xulka France ee xagaagan koobka aduunka ka qayb qaadan doonaan hadana kubad sameeyahan niyad dhis waxaa ugu filan in maamulka kooxdiisa Man City ay usoo bandhigeen heshiis waqtigiisa dheer yahay Nasri oo arinkan ku farxay aya ogolaaday inuu heshiis 5-sano oo dheeri ah qalinka ku duugo, maamulka City ayaa u arkaan in Nasri uu kaalin weyn ka qaatay inay kooxdan ku guuleesato xili cayaareedkii dhawaan dhamaaday EPL sidaa darteed laacibakn tayada wanaagsan waxaa loogu abaal gudi doonaa inuu sanado badan Etihad baaqi kusii ahaado sidoo laga dhigo xidigaha ugu mushaarka badan Premiership-ka England.

26-jirkan xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday wuxuu Man City u saftay 29-kulan asigoo u dhaliyay 7-gool waxaana xusid mudan kulankii ugu horeeyay oo ay Man City cayaartay xili cayaareedkan 2013/14 uu gool ku daah furay cayaartii ugu horeesay sidoo kalena uu gool kusoo daah xiray kulankii ay 2-0 ku suul daareen kooxda West Ham taasi oo u suura galisay inay City ku guuleesato EPL labo jeer sedexdii sano ee ugu dambeesay, sidoo kale Man City ayaa sheegtay inay heshiis cusub ka saxiixi doonto xidigaha kala ah Joe Hart, Eden Dzeko, James Milner iyo Pablo Zabelete wuxuuna macalin Manuel Pelligrini doonaayaa inuu ceshto xidigahii horyaalka u qaadeen sidoo kalena kooxdiisa laaciib dheeri ah lagu soo kordhiyo si ay kooxdan markale halgan ugu gasho dhamaan tartamada kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close