Home » Horyaalada » La liga » Sami Khedira Oo Lagu Daray Liiska Xidigaha Real Madrid U Safan Doona Kulanka Valencia

Sami Khedira Oo Lagu Daray Liiska Xidigaha Real Madrid U Safan Doona Kulanka Valencia


Semi

Ugu dambeyntii mashiinka xulka Jarmalka iyo naadiga Real Madrid ayaa kasoo kabtay dhaawacii uu mudada dheer garoomada kaga maqnaa waxaana xidigan lagu daray liiska kulanka Real Madrid u safan doonaan kulanka ay la cayaari doonaan naadiga Valencia, xidigan tayada wanaagsan ayaa todobaadyadii ugu dambeesay sameenayay tababar fudud madaama uu kaso kabtay qaliinkii looga sameeyay dhanka jilibkiisa midig kadib markii taxadir badan laga muujiyay xaaladiisa caafimaad macalin Carlo Ancelotti ayaa go’aansaday inuu Sami liiskiisa caawo ku darsado inkastoo tababare Ancelotti uusan sheegin in Khedira uu kulankan ka qayb qaadan dooo hadana xidigan waxaa niyad u dhis u ah in mudo 7-bilood kadib uu kursiga keydka Real Madrid soo fariisan doono.
Geeska kale macalin Ancelotti ayaa saxaafada u sheegay in xidigiisa tayada wanaagsan Luka Modric uu kulanka Valencia seegi doono madaama uu dhaawac fudud qabo wuxuuna tababarahan doonayaa xidigan kooxdiisa muhiimka u ah inuu nasiyo si jugta uu qabo aysan halis u noqonin. Guud ahaan hoos kaga bogo xidigaha Real Madrid caawo u matali doonaan kulanka Valencia:

Casillas, Diego López and Jesús; Varane, Pepe, Ramos, Coentrão, Marcelo, Carvajal and Nacho; Bale, Xabi Alonso, Casemiro, Di María, Khedira, Isco and Illarra; Cristiano Ronaldo, Benzema iyo Morata.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close