Weeraryahanka xulka qaranka Soomaaliya, Saadaq Cabdulqaadir Maxamuud (Balotelli) ayaa si amaah ah ugu biiray kooxda heerka koowaad ee dalka Kenya ee KCB.
Kooxda weyn ee AFC Leopards oo uu ka tirsan yahay Saadaq ayaa oggolaatay in ay amaah ku bixiso xiddiggeeda oo hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa kooxda.
Saadaq oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in uu si amaah ah ugu ciyaari doono kooxdan lixda bil ee soo socota.
“Waxaan doonayaa in aan helo fursado badan oo ciyaareed inta ka harsan xilli-ciyaareedkan, kooxo badan ayaa i daneynayay balse waxaan ku biiray KCB” ayuu yiri Saadaq.
Weeraryahankii hore ee kooxda Banadir Sports Club, Saadaq Cabdulqaadir ayaa caddeeyay in uu dhawaan doonayo in uu tijaabo ciyaareed u tago qaaradaha Yurub iyo Ameerika oo kooxo ka dhisan ay soo dalbadeen.
“Kooxo badan oo dibedda ka dhisan ayaa ila soo xiriiray oo doonaya in ay tijaabo iga qaadaan, sidaas darteed inta ka harsan xilli-ciyaareedkan horyaalka Kenya ayaan u ciyaari doonaa kooxda KCB” ayuu yiri.
Saadaq ayaa 2013-kii ku biiray kooxda AFC Leopards kadib markii uu ka tagay kooxda Banaadir SC ee heysata horyaalka Soomaaliya, wuxuuna kula guuleystay FA Cup-ka Kenya.]
By: Ibrahim Gedow Awale (Pipo),
Nairobi – Kenya
Profile