Xulka Koonfurta Kuuriya ayaa barbardhac ku celiyay wiilashii car-carta ku socday ee Russia kuwaas oo usoo bixitaankoodii koobka Aduunka uu ahaa mid heer sareeya madama ay kaalinta 1-aad kaga soo baxeen groupkii ay ku jireen.
Ciyaarta labada xul oo aheyd mid isku dheeli tiran waxaa qeybtii hore ee ciyaarta ay kusoo dhamaatay 0-0, balse qeybtii labaad ee ciyaarta Keun-Ho Lee ayaa hogaanka u dhiibay Korea daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta markii kubadii uu soo darbeeyay Keun uu si qaldan u qabtay Igor Akinfeev.
Qaladka goolhaye wuxuu caro galiyay tababare Fabio Capello, balse wiilasha Russia ayaan bareega u qaban isla markaana sameeyay dadaal buuxa waxeyna heleen goolkii barbardhaca.
Alexandr Kerzhakov ayey ka heleen Russia daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta.
Si Kastaba groupkaan H ayaa noqon doona mid la isku jilbo murxo madama Belgium ay dirqi kaga adkaatay Algeria iyadoo hogaanka u heysa kala horeynta groupkaan.