Tababaraha Xulka Qaranka Wadanka England Roy Hodgson ayaa Diiday in uu iscasilo xili Xulka Sadaxda libaax ee uu shuukaanta uhayo guuldarooyin xanuun badan ay kala kulmeen koobka aduunka oo Sanadaan wiilasha Saxaafadu Waday ay ku hungoobeen .
Hodgson ayaa Qandaraaska uu kula joogo wadanka England waxa uu idlaan doonaa sanada 2016 mudaribkaan xaajadu ku xuntahay ayaa aaminsan xataa Ingiriisku haduu koobka aduunka gabi ahaan isaga huleelo in uusa iscasili doonin xili laba guuldaro oo aad uqaraar isna xig xigay ay kala kulmeen wadamada Uruguay iyo Italy.
England ayaa rajadeedu waxa ay kujirtaa Ceel gorof ah balse rajadu haba iska xumaatee waxa Hodgson uu Aaminsanyahay in xiligaan uusan ku hamin in shaqada uu kadhaqaaqo .
Waxaa dhaleeceyn aan indhaha lahayn ay ka imaaneysay tan iyo jabkii Talaata usuud xidigihii hore ee Wadanka England iyagoo midba uu kusifeeyay Hodgson waxa uu ula muuqday Ciyaartoydaa kahadashay macalin Hodgson waxa kami ahaa Rio Ferdinand oo yiri “Macalin Hodgson waxa uu dayacay Qeybta dambe ee difaaca oo loo baahnaa in uu aad uxakameeyo .
Lama oga halka uu kudambeyn doono 67 sano jirkaan oo horey usoo layliyay 16 koox oo isugu jira xulal iyo Naadiyaal caalamka ka aha kuwa aad loojecelyahay Sida Inter Millan Liverpool iyo Udinese