Home » Maxaa Cusub » Roy Hodgson Oo Amaanay Arsene Wenger, Sabab?

Roy Hodgson Oo Amaanay Arsene Wenger, Sabab?


ROy

Tababaraha Xulka Ingiriiska Roy Hodgson ayaa amaan kala dul dhacay tababaraha reer France ee Kooxd Arsenal Arsene Wenger kaas oo abaal badan u galay Xulka Ingiriiska xili ciyaareedka sida uu ku waramay macalin Roy.

Wenger ayaa ka shaqeeyay in Jack Wilshere uu taam u noqdo koobka Aduunka ee ka dhici doona Brazil bisha soo aadan waxaana macalin Wenger uusan qatar galin nolosha Jack oo 22-jir ah kaas oo iyadoo kooxda ay u baahan tahay aan la ciyaarsiin.

Shalay ayey aheyd markii Jack Wilshere uu macalinkiisa u mahad celiyay waxaase maanta soo raacay macalin Roy Hodgson oo baahi weyn u qabay caafimaadka Jack Wilshere.

“Waligey kama walwalin Jack” Ayuu macalin Roy u sheegay warfidiyeenada.

“Jack Wuxuu weyneeyay [amaanay] macalin Wenger anigana waxaan jeclahay inaan ku raaco isla markaana amaano Wenger” ayuu mar kale yiri.

“Arsene Wenger wa macalin caaqil ah isla markaana isku dheeli tiran wuxuuna Jack u suuragaliyay inuu taam u noqdo koobka aduunka, waana waxyaabo uu jeclaay Jack” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxaan u maleynayaa in Wenger uu kalkaaliso u nqodo Jack si uu taam ugu noqdo koobka Aduunka” Ayuu macalin Roy ku kaftamay.

Ugu dambeyntii macalin Roy ayaa soo dhaweeyay caafimaad qabka Jack oo taam u ah inuu aado Brazil bisha soo aadan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close