Halyeegii hore ee xulka Brazil iyo naadiga Barcelona Ronaldo ayaa la taliyay xidiga dhalinta yar Neymar oo dhawaan kooxda Barcelona usoo dhaqaaqay wuxuuna Ronaldo laacibkan kula taliyay inuu isdajiyo sidoo kalena uu u dulqaato cadaadiska soo wajihi doono madaama waxbadan looga fadhiyo inuu xulkiisa Brazil iyo kooxda Barcelona u qabto sidaa darteed Ronaldo ayaa Neymar ku booriyay inuu ka faa’iideesto laacibka aduunka ugu wanaagsan Lionel Messi madaama ay hal naadi ku wada sugan yihiin wuxuuna yiri “waxaan u maleynaa inaan weli sii hadal heyn doono Messi iyo Cristiano Ronaldo, waayo Neymar waa xidig aad u dhalin yar welina ma uusan gaarin heerka labaas xidig sidaa darteed Neymar waa inuu ka faa’iideestaa qibrada Messi si uu isagana berito masraxa usoo koro!”
Halyee Ronaldo oo la hadlaayay Europa Press wuxuu yiri “Neymar weli laacib aan bislaanin waxaana laga rabaa inuu wax badan ka barto, Barcelona, Messi iyo guud ahaan qaarada Yurub kadibna waan hubaa inuu noqon doono cayaaryahanka caalamka ugu wanaagsan” kooxda Barcelona xidigan dhalinta yar waxay €57m kaga soo iibsatay naadiga Santos bishii June ee isla sanadkan waxaana laacibkan looga fadhiyaa inuu xili cayaareedkan qaarada Yurub wacdaro ka dhigo sidoo kalena uu kasoo baxo doorkiisa madaama uu lacago badan Barca ugu fadhiyo.