Weeraryahanka Xulka Poland iyo Kooxda Borrusia Dortmund ayaa ku guuleystay abaalmarinta kabta Dahabka Gooldhalinta Horyaalka Jarmalka isagoo dhaliyay xili ciyaaredkaan 20-gool, wuxuuna kulankiisii ugu dambeeyay u ciyaaray Borrusia Dortmund galabta.
Si Kastaba Dortmund ayaa 4-0 kaga farxalatay Herth Berlin wuxuuna dhaliyay goolka daah furka oo yimid daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta, sidoo kale daqiiqadii 82-aad ayuu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo goolkiisii 20-aad ee horyaalka.
Robert Lewandowski ayaa macsalameeyay kooxda Dortmund isagoo kaliya u ciyaari doona hal kulan oo ah Finalka Koobka DFB Pokal oo ay ciyaari doonaan isbuuca soo aadan.
Lewandowski ayaa ku biiray Bayern Munich oo uu xifaaltan weyn kala dhaxeeyo balse Jamaahiirta Dortmund ayaa macsalameyn weyn u sameeyay xidigaan isbuucii hore kulankii ugu dambeeyay horyaalka ay ku ciyaaraan kooxda gurigooda Signal Iduna Park.
Si Kastaba Robert Lewandowski ayaa noqday xidiga ku guuleysta kabta dahabka gooldhalinta horyaalka Jarmalka xili ciyaareedka 2013/2014.