Daafacii hore kooxda Chelsea iyo Xulka Jarmalka Robert Huth kaas oo haatan ka tirsan kooxda Stoke City ayaa ka mid noqday dadka ka hadlay dhacdadii murugada laheed ee Luis Suarez uu ku muujiyay dhamaadkii ciyaartii waalida aheyd ee Liverpool ay barbaraha kala kulantay Crystal Palace xalayto, wuxuuna xidigaan bogiisa xiriirka bulshada kaga soo hadlay arintaas.
Robert Huth ayaa tilmaamay in xidigii ku ooya garoonka dhexdiisa ay tahay in ganaax sadex kulan ah la dhex dhigo isagoo ku dhaga hadlaya wiilka dahabiga ah ee Liverpool Luis Suarez.
Wali waan ku adkeysanhayaa, waa in ooyinta garoonka dhexdiisa lagu muteysto ganaax sadex kulan ah
Liverpool ayaa xalay ciyaar waali ah la ciyaartay Crystal Palace oo xaware ku socota xiligaan waxeyna kooxda Branden Rodgers ciyaarta ku hogaaminayeen 3-gool, ilaa laga gaaro daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta, 9-daqiiqo ayaana sadexda gool looga keenay taasoo keentya in murugo ay ka dhacdo garoonka.
Luis Suarez ayaa madaxa gashtay funaanadiisa isgoo qarijnaya murugadiisa wuxuuna samarsiin kala kulmay kabtan Gerrard iyo Johnson oo qudhiisa murugeysnaa.
Liverpool ayaa kaliya horyaalka ku qaadi karta iney guul gaarto kulankeeda Newcastle ee isbuuca soo aadan sidoo kalana Mancheste City ay guuldaro kala kulanto midkood West Ham iyo Aston Villa.