Home » Maxaa Cusub » RIYO: Arsenal Oo Ku Guuleysatay Koobka FA Cupka

RIYO: Arsenal Oo Ku Guuleysatay Koobka FA Cupka


The FA

Arsenal ayaa ku riyooneysa ku guuleysiga Koobka FA Cupka kadib markii ay buska kooxda ku sharaxeen boor muujinaya in kooxda ay ku guuleysatay koobka FA Cupka ka hor kulanka ay sabtiga la ciyaareyso Hull City.

Sawirka ayaa cadeynaya in Gunners ay ku guuleysatay koobka aan wali la ciyaarin sida ay kusoo sharaxeen Bus-ka.

Sharaxaada Muuqaalka:

Buska qeybtiisa dambe waxaa ka muuqda Astaanta Arsenal oo ay ka hooseyso “Guuleystayaasha FA Cupka, Sanadka 2014″ iyadoo laga hoos mariyay muuqaalka Koobka FA Cupka.

Arsenal ayaa arintaan ugu tala gashay iney ku dhiirigaliso Jamahiirteda u ooman iney arkaan kooxdooda oo dabaal dageysa iyadoo Arsenal aysan dabaal dagin mud 9-sanadood ah.

Inkastoo aan la garan karin natiijada kasoo bixi karta kulankaas hadana Arsenal ayaa diiwaanka kusii darsatay koobkaan.

View image on Twitter

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close