Daaficii hore kooxda Manchester United kaas oo ku dhawaaqay goor hore inuu isaga tahay kooxda ayaan ka aamusin macagacabista macalinka reer Holland ee Louis Van Gaal.
Rio Ferdinand oo soo afjaray 12-sano oo uu ku sugnaa kooxda United ayaa fariin u diray macalinka reer Holland kadib markii loo magacaabay xilka sidoo kalana wuxuu talaabo wanaagsan ku tilmaamay in Ryan Giggs uu u doorto caawiyihiisa.
Rio Ferdinand oo haatan fasax ku jooga Singapore ayaa bogiisa twitter-ka kusoo qoray.
Nasiib wacan Vaan Gaal tababaraha cusub ee lagugu magacaabay Manchester United, sidoo kale numberka 2-aad Giggs, waxaan rajeynayaa iney soo celin doonaan booskii ay United ku laheed yurub
Rio ayaana guul wacan u rajeeyay labada shaqsi ee Van Gaal iyo Giggs isagoo ku taageeray howsha hortaala