Kooxda Real Madrid oo baadi goob ugu jirto helitaanka weeraryahan tayo wanaagsan ayaa haatan diirada saartay sidii ay kula soo saxiixan laheed Robin Van Persie oo aan la hubin inuu Man United baaqi kusii ahaan doono inkastoo xidigan tayada wanaagsan aysan United ka maarmin hadana lama hubo in RVP uu ka hoos shaqeyn doono Luis Van Gaal oo hogaanka Man United dhawaan la wareegi doono sidaa darteed Real Madrid oo xiiso gaar ah u qabto weeraryahankan tayada wanaaagsan ayaa si rasmi ah u sheegtay inay RVP ku dooneyso £20m waana qiimo lacageed oo la hubo inay Man United soo dhaweyn doono madaama xidigan xili cayaareedkan dhaawacyo kala duwan soo gaareen sidoo kalena uu gaabis ku yimid qaab cayaareedkiisii wanaagsan.
Wargeska Daily Mail ayaa soo xigtay xog laga helay gudaha Real Madrid taasi oo sheegeyso in tababare Caro Ancelotti uu gudoomiyaha Madrid Florentino Perez ka dalbaday in xagaagan Van Persie loo keeno waxaana la rajeynaa in dalabka tababaraha reer Talyaani loo aqbali doono, RVP waa goolhaye la isku haleen karo wuxuuna xili cayaareedkii hore United u qaaday Premiership-ka sidoo kalena 30-gool ayuu dhaliyay arinkaas awgeed Ancelotti ayaa doonayo inuu xili cayaareedka dambe RVP ka garab cayaarsiiyo Cristiano Ronaldo iyo Grathe Bale madaama la hubo in xagaagan maamulka Real Madrid ay iibin doonaa Karem Benzema. Inkastoo Real qorshaheeda la ogaaday hadana lama hubo in Man United ay si rasmi ah u fasixi doonto RVP marka u xili cayaareedkan dhamaado.