Kooxda Real Madrid ayaa ku warantay iney xiiseyneyso weeraryahanka kooxda Liverpool Luis Suarez kaas oo kooxda u hogaamiyay xiligaan iney u tartanto horyaalka Ingiriiska.
Real Madrid ayaa shalay shaacisay iney diyaar u tahay iney iska iibineyo Karim Benzema iyadoo badalkeeda soo qaadaneysa midkood Luis Suarez iyo Sergio Kun Aguero balse xidigaan reer Uruguay ayey si ba’an u dooneysaa.
Los Blancos Ayaa £70 Milyan ku dooneysa weeraryahanka ugu goolasha badan Premier League xili ciyaareedkaan, The Sun ayaana arintaan shaaca ka qaaday maanta.
Kooxda Real Madrid ayaa dooneysa iney hormariso weerarkeeda waxaana Ancelotti uu dalbaday in la keeno weeraryahan heerkiisa sareeyo madama Karim Benzema uu caajis noqday.