Home » Europe » Champions League » Real Madrid Oo Sheegtay Inay £40m Ku Iibin Doonto Xidigeedii Xili Cayaareedkan Champion-Ka U Qaaday!

Real Madrid Oo Sheegtay Inay £40m Ku Iibin Doonto Xidigeedii Xili Cayaareedkan Champion-Ka U Qaaday!


_75087655_real_madrid_reuters

Kooxaha Arsenal, Man United, Man City iyo PSG ayaa dhamaan fadhiga ka kaceen kadib markii ay ogaadeeen in naadiga Real Madrid ay iska iibin doonto kubad sameeye Angel Di Maria inkastoo xidigan uu kaalin muuqato ka qaatay xili cayaareedkan inay Madrid ku guuleesato markeedii 10-aad Champion-ka Yurub hadana Di Maria heesto kalsoonida maamulka sare ee kooxdan sidaa darteed xidigan kasoo jeedo qaarada Koonfur Ameerika waxay Madrid ka iibin doontaa naadigii la timaado £40m, Di Maria oo xiriir wanaagsan la leh macalin Carlo Ancelotti ayaa dhawaan sheegay in joogitaanka Madrid aysan gacnta ugu jirin sidoo kalena hadii maamulka kooxdan ay u sheegaan inaysan u baaneyn uu xagaagan hawa gadisan doono haatana waxaa dhagtiisa lagu dhibciyay inuusan Bernabue sii joogi doonin.

26-jirkan horey ugu cayaari jiray naadiga Benfica ayaa wakiilkiisa u sheegay inuu arinkan xaliyo madaama uu isaga ka qayb qaadanaayo koobka aduunka oo uu doonayo inuu xulkiisa Argentina kula guuleesto tartankan sidaa darteed wakiilka Di Maria wuxuu diyaar u yahay inuu dhageesto dalabyada ay usoo direen kooxaha Arsena, Man United, Man City iyo PSG sidoo kalena wargeska Marca ayaa sheegay in kooxda AS Monaco ay iyadana dabyaaqada todobaadkan lasoo xariiri doonto Real Madrid waxayna diyaar la tahay naadigan inay bixiso lacagaha Di Maria la dul dhigay. Geeska kale gudoomiyaha Real Madrid ayaa sheegay in kooxdiisa aysan ka jawaabi doonin dalabyada Di Maria ku aadan ilaa uu koobka aduunka ka dhamaanayo sidaa darteed waxaa macquul ah inay Real lacago badan xidig ku hesho hadii uu koobka aduunka qaab cayaareed wanaagsan kasoo bandhigo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close