Inkastoo Real Madrid ay xili cayaareedkan lacago farabadan qarash gareesay sidoo kalena Grathe Bale oo kaliya 100-milyan oo euro ah kusoo iibsatay hadana kooxdan ayaa qorsheeneyso inay markale lacago xoog leh qarash gareyso marka la gaaro bisha Janaayo ee sanadka 2014 kaasi oo haatan nagu soo fool leh, Madrid ayaan la dhacsaneyn qaab cayaareedka Karim Benzema sidaa darteed kooxdan ayaa damacsan in weeraryahanka reer France ay iska fasaxdo marka uu suuqa Yurub dib u furmo lana soo saxiixato Luis Suarez oo ah weeraryahanka kooxda Liverpool ku tiirsan tahay.
Benzema haatan wuxuu ku jiri xili aad u adag waayo 20-saacadood ka badan kooxdiisa Madrid iyo xulka France wax gool ah uma dhalinin sidaa darteed ma heesto kalsooni uu caasimada Spain kusii joogo sidaa darteed 25-jirkan ayaa lagu qasbi doonaa inuu Bernabue isaga tago xili cayaareedkan oo kala bar ah, Madrid ayaa dooneyso inay Suarez lasoo saxiixato madaama aan la hubin xidigan u dhashay dalka Uruguay inuu Liverpool baaqi kusii ahaan doono waxayna Real ugu talo gashay inay weeraryahankan kula soo saxiixato aduun lacageed oo gaaray 50-milyan oo euro ah.
Waxaa Aqrisay: (382)
Mogadishu - Somalia