Waa u dhaqan Real Madrid iney ka dukaameysato tartamad caalamiga ah iyo ciyaartoyda ku guuleysta abaalmarinta aduunka ugu wanaagsan marka dib loo eego tariikhdii hore.
Kooxda ka dhisan Spain ee Real Madrid ayaa kentay garoonkeeda Bernabue magacyo waaweyn oo taariikho iyo dadaal dheeri ah ka sameeyay tartmada waaweyn ee aduunka iyo yurub.
Marka la eego xiisaha ay haatan u qabto James Rodriguez Real Madrid ayaa la oran karaa iney daba joogto dhaqankii soo jireenka ahaa ee ay waligeed ka dukaameysan jirtay.
2000 kooxda waxaa kusoo biiray Luis Figo oo ka tirsanaa Barcelona kaas oo wacdaro ka dhigay koobkii Euro 2000 oo ay la hoydeen faransiiska inkastoo semi finalka ay qasaaro kala kulmeen France hadana Figo ayaa dhigay wacdaro lama iloobaan ah Bernabue ayuuna yimid kadib dhamadkii tartanka.
2002 waxaa kooxda kusoo biiray Luiz Nazario De Lima Ronaldo kaas oo la ogaa taariikhda uu ka dhigay koobkii Aduunka ee 2002 lagu qabtay Japan iyo South Korea wuxuuna ahaa dhaliyihii labada gool ee Brazil ay koobka Aduunka kaga qaaday jarmalka.
2006 waxaa kooxda Real Madrid kusoo biiray Fabio Cannavaro kaas oo xulka Italy u qaaday koobkii Aduunka ee Jarmalka lagu qabtay sidoo kalana noqday xidigii ugu wanaagsanaa Aduunka.
Saxiixii ugu dambeeyay ee ay tartan caalami ah lasoo saxiixato Real Madrid wuxuu ahaa kubad sameeyaha haatan e Gunners Mesut Ozil kaas oo 2010 kaga soo biiray Breman madama uu wacdaro ka dhigay koobkii Aduunka 2010 ee South Afrika lagu qabtay.
Profile