Kubad burburiyaha Real Madrid Xabi Alonso ayaa seegi doona Finalka Champions League ee ay kooxdiisa la ciyaari doonto kooxda uu xifaaltanka magaaleed ka dhaxeeyo ee Atletico Madrid 24-ka May.
Kooxda Los Blancos ayaa racfaan ka qaadatay ganaaxii xidigan reer Spain kadib markii uu qaatay jaalihiisii sadexaad intii uu tartanka ciyaarayay xili ciyaareedkaan wuxuuna qaatay kulankii ay kooxdiisa 4-0 kaga adkaatay Bayern Munich kulan ka dhacay Allianz Arena 29kii April.
Racfaankii ay ka qaadatay Real ganaaxaas ayaa la soo diiday waxaana UEFA ay xaqiijisay in ganaaxaas u dhaqan galayo isla markaana Xabi Alonso uu seegi doono Finalka Champions League.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa dib u heli doona Sami Khedira oo kasoo kacay dhaawac dhanka jilibka ah sidoo kale Isco iyo Assier Illara ayaa xaadir u ah kuwaas oo dhamaantood buuxin kara booska Alonso.