Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah iney iska iibiso weeraryahanka reer France Karim Benzema kaas oo haatan kaliya ah weeraryahanka tooska ah ee ay kooxda leedahay, kadib markii uu dalabyo ka helay kooxo badan oo ka dhisan horyaalka Ingiriiska.
Kooxda Finalka FA Cupka taagan ee Arsenal ayaa horay u xiiseyneysay xidigii hore kooxda Olympique Lyon ee dalka faransiiska.
26-jirkaan heerka caalami mudo badan waxaa isha ku hayay tababare Arsene Wenger oo mar walba il gaar ah ku haya ciyaartoyda reer France ee ka xaaalata qaarada yurub.
Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa diyaar u ah inuu suuqa dhigo Benzema si uu u helo badalkiisa midkood Aguero ama Suarez waxaana ra’yigaas la qaba madaxweyneha kooxda Florentino Perez.
Karim Benzema 12-bilood ayaa kaga haray qandaraaskiisa waxaana sidoo kale Real Madrid ayba ku fakareysaa iney qeyb kaga dhigto Heshiiska ay Suarez ku keeneyso magaalada Madrid.
Dhanka kale Manchester United ayaa xiiso aan badneyn u qabta xidigaan waana fursad wanaagsan madama kooxaha Madrid iyo Man United uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen a.